Alshabaab ayaa shaacisay magacyada mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Jubaland una qaabilsanaa degmada Beledxaawo oo isu dhiibay, iyadoo lagu soo bandhigay degaanka Ceel cadde ee Gobolka Gedo.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Jubbaland ee degmada Beledxaawo ay isu dhiibeen Xarakada munaasabad ka dhacday degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, kuwaasoo gaarayey afar xubnood oo madax ka ahaa xaafado ka tirsan degmada Beledxaawo.
Alshabaab ayaa kasoo xigatay mas’uuliyiintan inay go’aansadeen inay isaga baxaan mamaulka Jubbaland oo khilaaf kala dhaxeeyo dowladda Federaalka, ayna ka towbad keeneen inay kasii mid ahaadaan maamulkaasi.
Xubnaha maamulka degmada Beledxaawo ee isu dhiibay Alshabaab ahaa kala ah:
1- Cabdiwali Iftiin Barrow oo ahaa guddoomiyaha Xaafadda 7aad ee magaalada Beled Xaawo
2- Maxamed khaliif xasan oo ahaa guddoomiyaha xaafadda 8aad ee magaalada Beled Xaawo.
3- Xuseen Sahal Aadan oo ahaa guddoomiye ku xigeenka xaafadda 7aad ee Beled xaawo
4- Xuseen Jibriil Ibraahim oo ahaa guddoomiye ku xigeenka xafaadda 8aad ee Beled xaawo