Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay war lama filaan ah oo ku saabsan weerarkii ay xalay ku qaaday xarumaha Madaxtooyada iyo NISA ee magaalada Muqdisho.
War ay shaacisay Warbaahinta Alshabaab oo kasoo baxay Xarakada ayaa lagu sheegay in weerrarka oo isugu jiray is-miidamain iyo mid toos ah ay dib u soo laabteen qaar ka mida raggii fuliyey weerarka iyagoo bed qaba.
Warka kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in qaar ka mida raggii weerarkii shalay ka qeybgalay ay dub u laabteen, waxaana la ogyahay in 4 dabley ah la dilay, haka laba kale ay is-miidaamin ku dhinteen.
Alshabaab ma sheegin tirada maleeshiyada weerarkii xalay ka qeyb qaadatay ee dib uga laabatay, waana markii ugu horeysay ee arrintan ay shaaciso Alshabaab. Waxaa la ogyahay in dableydii Alshabaab ee 28-kii Oktoobar 2017 weerartay Hotelka Naasahablood 2 ay baxsadeen oo laga soo qabtay Guri ku yaalla, agagaarka Godka Jilacow subaxdii danbe.