Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Agaasime Wasaaradeed ay sheegtay inuu ka tirsanaa xukuumadda Federaalka.
Sida ay baahiyeen Warbaahinta Al-shabaab, kooxda dilalka Khaarijinta ah u qaabilsan ayaa fuliyey falka lagu dilay Nuur Cali Yalaxow (Nuur Jandhag) oo ay sheegeen inuu Agaasime ka ahaa Wasaaradda Gaadiidka. Wararka ayaa sheegaya inuu marxuumka ka tirsanaa maamulka G/Banaadir.
Dilka Nuur Jandhag oo ahaa nin oday ah ayaa shalay ka dhacay xaafadda SIISII ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxaana goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay.
Alshabaab ayaa sii kordhisay falalka dilalka khaarijinta ah iyo qaraxyada is-miidaaminta ee magaalada Muqdisho, muddooyinkan danbe.
