Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay in 50 askari oo Itoobiyaan ah ay ku dishay dagaallo qaraar oo kooxda iyo ciidamada Itoobiya ee AMISOM ku dhex maray degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo dagaalo ku dhex mareen labada dhinac.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay duleedka degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud tuulada Baraagta Cali Yabar, iyadoo Alshabaab ay sheegatya inay dagaalo rogaal celis ah oo qaraar la gashay ciidamada Itoobiya.
Alshabaab ayaa dhinaca kale sheegtay inay dib ula wareegtay degaanada Jacar iyo Deri oo dhowaan ay qabsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida oo wada socda.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan sheegashada Alshabaab ee ah inay qasaare lixaad leh gaarsiiyeen ciidamada Itoobiyaanka.
Wadani.com