Alshabaab ayaa sheegatay dil ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo war ay soo saartay ku shaacisay magaca mas’uulkaasi iyo xilka uu hayey.
Weerarkan ayay sheegtay Alshabaab inay xalay fiidkii dabley ka tirsan ay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ku toogteen arkaal katirsan wasaaradda maaliyadda Dowladda Federaalka, qeybteeda Canshuuraha oo magaciisa sheegay Cabdullaahi Bariise.
Dableydii dilka geysatay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen, iyadoo falal kale oo dilal ah ay saacadihii ugu danbeeyay ka dhaceen caasimadda.
