War ay baahisay xarakada Alshabaab ayaa lagu sheegay in dabley ka tirsan ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee ka howlgala Madaxtooyada Soomaaliya.
Alshabaab ayaa sheegatay inay shalay gelinkii dambe ay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku khaarijiyeen sarkaal sare oo katirsanaa madaxtooyada Villa Somalia, kasoo ay magaciisa ku sheegtay Laba-xiddigle Cumar Colow, iyadoo Mooro uu watay ay hore us sii qaateen dableydaasi.
Alshabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay isla shalay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal katirsan ciidamada Booliskaoo magaciisa lagu sheegay Xiddigow Cumar Dhegajuun.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga magaalada Muqdisho iyo Madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsan sheegashada Alshabaab.