Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa soo bandhigay Gaashanale ka tirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya sida ay sheegeen oo ay gacanka ku dhigeen. Gaashaanle Maxamed Xaali Cali ayay Maleeshiyaadku sheegeen inay qabteen xili uu ku sugnaa duleedka degmada Afgooye ee gobbolka Shabeellaha Hoose, waxaana xiligii la qabanayay uu watay Gaari nooca Kaarib ah, waxaana laga qabtay meel u dhow magaalada Afgooye.
Alshabaab ayaa hadda u muuqda inay la soo baxeen qorshe cusub oo ay inay afduub ay ka fuliyaan degaanada ay ciidamada dowladda gacanta ku hayaan oo kooxo diyaarsan ay ka fulinayaan aduubka saraakiisha.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan waxayna saxaafadda u sheegtay inay war ka soo saari doonaan dhowaan.
SAWIRRO
Wadani.com