Alshabaab oo bilowday inay abaabusho shacabka degaanadeeda ku nool ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa mar kale soo bandhigtay maleeshiyo hubeysan oo taageersan kana mida qaar ka mida beelaha dega Sh/Dhexe iyo Galgaduud.
Beeshii ugu danbeysay waxay Alshabaab kusoo bandhigtay degaanka Towtiiq ee Masaajid Cali Gaduud maleeshiyo kasoo jeeda Beesha Warsangeli Abgaal oo ay shegtay in loo diyaariyey ka hortegga Weerarka ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka laga cabsi qabo inay ku qaadaan degaanadaasi.
Bandhigga maleeshiyada beesha Warsangeli Abgaal waxaa horkacayey Nabadoonka Alshabaab ee beeshaasi Cabdullahi Cali Caraaye, wuxuuna sheegayn inay diyaar u yihiin difaaca degaankooda iyo inay ka hortagaan maleeshiyaadka iyo ciidamada dowladda.
Dhinaca kale waxay Alshabaab sidan oo kale u soo bandhigtay abaabulka beelaha Murusade iyo Maxamuud Hiraab oo soo bandhigay maleeshiyooyinloo diyaariyay la dagaalanka ciidamada Dowladda, taasoo looga jawaabayo abaabulka dagaal ee ay wado dowladda Federaalka.
Beelaha dadka ugu badan soo bandhigay waxaa ugu horeeya Beelaha Murusade iyo Warsangeli Abgaal, waxaana meeshii ugu sareysay gaaray dagaalka warbaahinta ee labada dhinac.






