Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay isu dhiibeen ciidamadii ugu badnaa ee mar qura kasoo goosta dowladda Federaalka sida ya baahiyeen warbahinta Alshabaab.
Askartan ayaa la sheegay in lagu soo bandhigay degaanada ay gacanta ku heyso Alshabaab ee gobolka Hiiraan. Wararka laga helay Alshabaab ayaa sheegaya in 32 askari ay ka goosteen ciidanka dowladda federaalka ee ku sugan magaalada BuulaBurte, iyagoo isugu dhiibay Alshabaab.
20 ka mid askartan ayay Alsahbaab ku soo bandhigeen degaanka Aboorey iyo 12 askari oo kale lagusoo bandhigay degaanada kala ah Buurweyn, Luuq Jeeloow iyo Buq-aqable oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Wareysi lala yeeshay qaar kamida askartaasi ayaa sheegay inay ka baxsadeen xaalada nololeed ee magaalada Buuloburte oo aad u xun. Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Hiiraan.
Wadani.com