Kadib weerar duqeyn ah oo ka dhacay degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud oo ciidamada dowladda Somaliya ay sheegeen inay ku burburiyeen Gaadiid iyo Garaashyo ay Alshabaab lahayd ayaa waxaa soo baxay faahfaahin cusub.
Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay muuqaallo ku saabsan weerarkii Galhareeri oo ay ku eedeysay iay qaadeen Diyaaradaha Helikobtaradda Mareykanka, kuwaas oo beegsaday Guryo ay dad shacab ah deganaayeen oo ku yaal degmada Galhareeri.
Sida Alshabaab ku doodeyso duqeynta waxaa fuliyey Mareykanka iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca oo hore looga baran inay duqeyn fuliyaan, waxayna goobaha la wareeray ku rideen madaafiic iyo rassaas uu ku dhintay wiil 3 sano jir ah, halka ay ku dhaawaceen 8 qof, oo kale.
Alshabaab sooma bandhigin qaasaare soo gaaray xarumaheeda iyo Dagaalyahannadeeda, balse waxay kaliya baahisay Guriyo shacab leeyahay oo waxyeelo gaartay iyo caruur dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka.
Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijin karta waxa ka dhacay degmada Galhareeri, sidoo kale Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaan weli wax war ah kasoo saarin diqeynta degmadaasi


