Ninkan waxaa lagu soo eedeeyay inuu muddo dheer Sixirka ku shaqeysan jiray oo dhibaato ku hayey Qoysaska
Maxkamad hoos tagta Alshabaab ayaa xukun toogasho ah ku fulisay nin lagu soo eedeeyay inuu Sixiroole ahaa oo la sheegay inuu muddo ku shaqeysanayey xirfadaasi.
Dilka Toogashada ayaa shalay Galab ka dhacay Goob fagaare ah oo ku taalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana xukunkaasi lagu fuliyey ninkan oo lagu magacaabi jiray Axmed Kuusane Xasan kaasi.
Garsoorihii Alshabaab ayaa intii aan xukunka dilka lagu fulin Sixiroolaha sheegay inuu Axmed Kuusane caan ku ahaa in u Sixirka u adeegsado kala-geynta Rgga iyo haweenka isqaba, dhibaatooyin badanna u geystay qoys aroos cusubka ah.
Axmed Kuusane Xasan ayey toogteen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab, iyadoo uu ka howlgeli jiray tuulada Garaseey Kuusa ee degmada Jilib.
Alshabaab ayaa inta badan xukunno dil ah ku fulisa dadka lagu soo eedeeyo Sixirka, waxaana hore sidan oo kale degaanada ay ka taliso loogu toogtay Sixirooleyaal badan.
