Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay toogasho ku dishay sarkaal sare oo u qaabilsanaa ururinta Zekada kooxdaasi ka qaado degaanada ay maamusho.
Toogashada ayaa ka dhacday degaanka Buulofulay ee Gobolka Bay, waxaana sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Macalin lagu soo eedeeyay inuu lunsaday hantidii Zakawaadka uu madaxda ka ahaa.
Maxkamad raacsan Alshabaab ayaa xukunka ku riday sarkaalkan, inkastoo aan la shaacin hantida uu lunsaday inta ay la eg tahay, waxaana uu noqonayaa sarkaalkii ugu horeeyay ee Alshabaab u daldasho arrin la xiriirta Zeko uu lunsaday.