Wararka laga helayo lagha helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan kooxda Alsahbaab ay afduub ka geysteen degaano ka tirsan gobolkaasi.
Afduubka ayaa ka dhacay gaar degmada Luuq, iyadoo laba guddoomiye tuulo oo ka tirsan degmada Luuq ay qafaasheen dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana sidoo kale lala qafaashay wiilal ay dhaleen.
Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiinta la afduubtay uu ka mid yahay Gudoomiyihii tuulada Shaatilow oo lagu magacaabi C/llaahi Kuusow Maxamed iyo guddoomiyaha tuulada Caddaley Axmed Cumar ooo uu wehliyo wiil uu dhalay, waxaa sidoo kale ka mida gudoomiyaha tuulada Baakaale wiil uu dhalay iyo gaarigi gudoomiyahaasi, balse gudoomiyaha tuuladaasi la waayey.
Dadka gacanta Alshabaab ku maqan ayaa kala ah Laba guddoomiye iyo laba wiil oo ay kala dhaleen guddoomiye ay qafaasheen iyo mid kale oo ay waayeen, waana afar qof. Waxayna arrintan ahayd mid cabsi ku riday dadka degaanka oo ay tahay markii ugu horeysay ee afduub noocan ah ay Alshabaab ku dhaqaaqaan.
Tuulooyinka Shaatilow ee degmada Luuq ayaa u jira jirta 18-km, halka Deagaanka Caddiley isna u jiro Luuq u jirta 21-km.