Kooxda Alshabaab ayaa war cad kasoo saartay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo sida ay ula dhaqmi doonaan intii uu xilka hayo.
Warkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee rasmi ah waxaana Alshabaab u hadlay Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ka tirsan mas’uuliyiinta sare Alshabaab oo sheegay in Farmaajo uu lamid yahay hoggaamiyaashii horay usoo maray dowladda Federaalka, kana darran yahay maadamaa uu yahay muwaadin oo reer galbeedku soo tababareen.
“Haddaan muslimiin nahay waxaan leenahay miisaan aan wax ku cabirno, qof kastoo khilaafa halbeegaasi shareecada islaamku jideysay waaa la dagaalameynaa… ” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub oo intaas ku daray in Farmaajo arrimo badan uga khatar badan yahay madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray marka loo eego dhanka dhaqanka iyo diin naceybka.
“Farmaajo wuxuu wadaa kufri iyo gaalnimo isaga ayaana ka shar badan kuwii hore oo dhihi jiray waxaan ka shaqeynaynaa danta dalka dadka iyo diinta, balse Farmaajo Tabeelihiisa waxaa ugu qoran danta dalka iyo dadka wuxuu yiri wax diin layiraahdo iga fogeeya” ayaa hadalkiisa ka mid ahaa Sheekh Xasan Yacquub oo caddeeyay in afarta sano ee Farmaajo ay dagaalka wadi doonaan.
omWadani.com