Kooxda Alshabaab ayaa war cad kasoo saartay mowqifkooda ku aadan Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo hore uga tirsanaa, balse ay isku dhaceen markii danbena xiriir la sameystay dowladda Federaalka.
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa farriin Maqal oo uu soo saaray si weyn ugu faafhaahiyey wixii dhex maray Alshabaab iyo Mukhtaar Rooboow Cali, wuxuuna caddeeyay in khilaafkoodu ahaa mid caqiido oo uu Roobow la shaqeyn jiray caddowga.
Sheekh Cali Dheere ayaa waxa uu sheegay in uu muddo dheer soo jiray khilaafka Alshabaab iyo Mukhtaar Roobow kaasoo ku qotomay arrimo dhowr ah, wuxuuna qodobka koowaad ka dhigay inuu doonayay ogolaansho la siiyo hay’ado kirishtaan ah oo magac samafal ku socday.
Qodob kale ayuu Sheekh Cali Dheere inay isku qabteen Sheek Roobow inuu ahaa xiriir uu la lahaa dalal shisheeye, isagoo doonayay inuu wadahadal la galo dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeeyay inuu isku dayey inuu Alsabaab kala jabiyo, balse laga hor tagay arrintaas shirqoolka ah sida uu yiri.
DHAGEYSO