Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil qorsheysan oo saaka ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay dad isugu jiray askar iyo shacab.
Sida ay baahisay Warbnaahinta Alshabaab waxaa dilkaasi fuliyey kooxda Madax-jebiska u qaabilsan Alshabaab, waxayna sheegteen inay howlgal ka fuliyeen Suuqa weyn ee degmada Wadajir, laghuna khaarijiyey labo sarkaal oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee ciidamada Booliska.
Saraakiisha weerarka lagu dilay ayey Alshabaab sheegtay inay kal ahaayeen Xasan Dacar iyo Cali Dahab, lagaba qaatay Bistoolad uu ku hubeysanaa mid ka mida saraakiisha la dilay, iyagoo ay u suuragashay inay goobta ka bnaxsadaan.
Alshabaab aya sidoo kale sheegatay weerar dhowaan lagu beegsaday Guddoomiyaha degmada Deyniile magacaabo Maxamed Abuukar Jafcar, balse uu ka badbaaday.
