Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Cali Nuur Shuute oo xalay lagu dilay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.
Marxuumka la dilay oo ahaa nin oday ah ayaa dhalay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee milateriga Soomaaliya Xasan Cali Nuur iyadoo sababtaas loo dilay aabihii oo ahaa nin cibaado badan oo deris la ah Masjidka Unlaaye ee ku yaalla Suuq Boocle degmada Dharkeynley.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka dilka Cali Nuur shuure, waxaana warkaasi baahisay idaacadda Andalus ee kooxda Alshabaab.
Guddoomiyaha Maxkamadda Milateriga ayaa qaada kiisaska ay ku lug yeeshaan kooxda Alshabaab xubnaha ka tirsan, waxaana maalmo ka hor uu horkacayay dacwad lagu soo oogay 4 ka mida xubnaha loo heysto qaraxii Soope ee 14-kii Oktoobar 2017.