Kadib Qarax Miino oo lagu beegsaday Kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidamada Dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi agagaarka degaanka Qaycad ee Koonfurta Mudug ayey Alshabaab ku sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaasi.
Qaraxa waxaa ka badbaaday Jeneraal Biixi, laakiin waxaa ku dhintay sarkaal sare oo ciidamada Galmudug ka tirsan, halka ay ku dhaawacmeen askar kale, waxaana War kasoo baxay Alshabaab lagu sheegay in qaraxa uu ka dhacay tuulada Xoosh ee degaanka Wisil.
Qaraxa ayey sheegtay Alshabaab inuu haleelay Gaari uu saarnaa Gaashaanlle Sare Dayib Cusmaan oo ahaa Xoghayaha Jeneraal Biixi, iyadoo ay ku dhinteen sarkaal iyo 4 askari oo ilaalo u ahaa.
Jeneraal Biixi ayaa ka badbaaday qaraxa, balse waxaa dhintay askar iyo sarkaal, sida lagu sheegay Warka Al Shabaab ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Waxaa qaraxa ku dhintay Dayib Ismaaciil Cali oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Galmudug ee safka hore uga jiray dagaalka Koonfurta Mudug.


