Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday saraakiil ajnabi ah oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada Talyaaniga ee ku sugan Muqdisho.
Warka ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegy in dagaalyahan kooxda ka tirsan oo Naftiisa huray uu uu gaari Miinaysan ku dhuftay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil caddaan ah agagaark wasaaradda Gaaashaandhigga.
Wararka laga helayo saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in ciidamada Talyaaniga aysan waxba ku noqon weerarkaasi, iyadoo Gaari ka mida kuwa gaashaaman oo qaraxyada ka hortagga uu qasaare soo gaaray, waxaase ku dhintay laba qof oo shacab ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen afar kale.
Midowga Yurub waxaa Muqdisho ka jooga ciidamo kooban iyo saraakiil qaabilsan tababarka ciidamada Soomaaliya, waxayna si joogto ay u tagaan xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.