Al-Shabaab ayaa War ay kasoo saartay weerar madaafiic ah oo maanta lagu qaaday xarunta Xalane ee ay degan yihiin AMISOM & Q/Midoobay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.
Warkan oo kasoo taliska ciidamada Alshabaab ayaa lagu sheegay in Duhurnimadii maanta ay dagaalmayaasha Alshabaab weerar qorsheysan ku fuliyeen xerada Xalane, ayna ku garaaceen ugu yaraan 9 gantaal, waxayna Warbaahinta Alshabaab shaacisay war laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan AlShabaab oo sheegay in qaar ka mida Gantaallada ay ku dhaceen xafiisyada QM iyo midka AU, qasaare dhimasho iyo dhaawac lehna ay dhaliyeen.
Wakiilka Q/Midoobay ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay jiraan dhaawacyo, laakiin ma sheegin tirada dadka madaafiicda ku dhaawacmay, laakiin Alshabaab ayaa ku doodeysa inay jiraan dhimasho iyo dhaawac.