Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Ganacsade xalay lagu dilay magaalada Muqdisho oo ahaa nin oday ah, iyadoo ku sheegtay inuu ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya.
War kasoo baxay Alsahbaab oo ay baahiyeen warbaahinta taabacsan ayaa lagu sheegay in dabley ka tirsan Alshabaab ay Suuqa Boocle ee degmada Dharkeynleey ku dileen mid kamida saraakiisha Nabadsugidda dowladda Federaalka, qeybta dhar-cadka loo yaqaan.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Hilowle Aboor ayaa si weyn looga yiqiin suuqa Boocle, isagoo Mooska ku iibin jiray muddo dheer suuqaasi, waxaana dadka iyo ganacsatada suuqleyda la yaab ku noqday warka kasoo yeeray Alshabaab ee ah inuu ka tisanaa sirdoonka dowladda Soomaaliya.