Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Guddoomiyihii Ururka Naafada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Marxuum Shariif Mukhtaar Jiis oo xalay lagu toogtay magaalada Baydhaba.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inuu Shariif Mukhtaar oo ahaa qof ka mida dadka baahiyaha gaarka ah qaba inuu ka tirsana Saraakiisha ciidamada Booliska ee Hay’adda Dembi Baarista CID-da dowladda.
Alshabaab ayaa sheegtay in dabley ka tirsan ay magaalada Baydhabo ku dileen Marxuum Shariif Mukhtaar Cali oo ay sheegtay inuu ahaa Korneyl ka tirsan Ciidamada Booliska, gaar ahaan waaxda denbi baarista.
Waxay kaloo Alshabaab sheegtay inuu marxuumka muddo 10 sanadood la shaqeynayay laamaha amniga Dowladda Federaalka.
