Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inuu dagaal culus saaka ka socdo Degaanka Daaru-Nicma ee degmada Ruun-Nirgood, Gobolka Sh/Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday degaankaasi oo ku sugnaayeen ciidamada degaanka ee Macaawisley, waxayna wararku sheegayaan inuu dagaal culus dhex maray labada dhinac.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarka Daaru Nicma ku dishay ilaa 20 askari ,halka 10 kale ay dhaawacday.
Taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Daaru-Nimca ay qasaaare badan ku gaarsiyeen kooxda Khawaarijta, wuxuuna qiray in markii hore ay laayeen dad shacab ah oo ay ku jiraan laba haween ah.
Taliyaha ayaa sheegay in degaanka ay ku sugnaayeen ciidamada Degaanka markii weerarku dhacay, kadibna ay soo galeen Alshabaab, iyadoo markaas kadib u gurmadeen ciidamada xoogga dalka oo jab weyn lagu gaarsiiyey Alshabaab, loogana dilay 27 ka mida.