Wararka laga heleyno dalka Kenya ayaa sheegaya maleeshiyada Alshabaab oo si weyn u hubeysan ay weerar culus ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Gumure ee ka tirsan magaalada Wajeer.
Weerarka kadib ayey Al-Shabab u suuragashay inay la wareegaan degaankasi in muddo ah, markii ay isaga cararreen ciidamo kooban oo ku sugnaa, waxayna Alshabaab afduubteen guddoomiyihii deegaankaas oo magaciisa lagu sheegay Cumar Aden, iyagoo khudbad u jeediyey dadka degaankaasi.
War ay soo saartay Al Shabaab ayey ku sheegatay in ciidamadoodu ay nolosha ku qabteen guddoomiyihii deegaanka Gummareey ee Wajeer, Waqooyi Bari, Kenya.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in weerarro ballaaran ka fulisay degaano hoos taga Mandheera iyo Wajeer, halkaasoo ay ku gubeen xarun isgaasiin oo shirkadda Safari leedahay.
