Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar jidgal ah ku qaaday ciidamo ku sii jeeday degmada Buurhakaba.
Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhexeeya Magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo, iyadoo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay si kedis ah jidka ugu galeen ciidamadaasi oo ka tegay magaalada Baydhaba.
Dagaal labada ciidan dhex maray ayaa la soo weriyay inuu dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhianc soo kala garay, siiba ciidmaad dowladda Soomaaliya oo wararku sheegayaan saarnaa labo gaari oo ah nooca NOAH ay saarnaayeen ciidamadan.
Ciidamo dhaawac ah ayaa dib loogu celiyay Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay oo ay markii hore ka yimaadeen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya.