Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay saaka weerar culus ku qaadeen degaanka Hilowle-Gaab, degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Sh/Dhexe oo dhowaan laga qabsaday.
Weerarka oo ahaa mid dhowr jiho ah ayey Alshabaab sheegteen inay kula wareegeen degaankaasi oo ka mid ahaa kuwii ugu danbeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ka qabsadeen Alshabaab, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan dagaalka ka dhacay halkaasi.
Isgaariinta degaanka ayaa aad u culus, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inuu dagaal culus ka dhacay Hilowle-gaab, weliba uu socdo, kadib weerarka Alshabaab.
Afhayeenka madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in ilaa 7 saraakiil iyo askar ka mida ciidamada dowladda lagu dilay weerarka, halka Alshabaab qasaare baaxad leh lagu gaarsiiyey, kadibna Alsahbaab la jebiyay oo dagaalku weli ka socdo xuduudka Sh/Dhexe iyo Galgaduud.
Waa weerarkii ugu horeeyay ee rogaal celin ah oo Alshabaab soo qaado in ka badan 3 bilood oo howlgalka looga horjeedo looga qabsaday Gobolka Sh/Dhexe.
