Wararka laga helayo magaalada Badydhaba ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leyhiin degaanka Deynuunaay ee duleedka magaalada Baydhaba.
Labada ciidan ayaa dagaal halkaasi ku dhex maray, kaasoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la sheegay inuu dagaalku socday muddo sanad ku dhow, iyadoo markii danbe ay Alshabaab dib uga baxeen halkaasi.
Qasaaraha dagaalka ayaa la xaqiijiyey in dhinaca ciidamada dowladda ay uga dhinteen 4 askari oo laba ka mida lagu dilay dagaalka halka labada kale ay ku dhinteen markii meydka askari dagaalka ku dhintay lagu xiray miino, kadibma markii ay isku dayeen inay qaadaan ciidamada dowladda uu ku qarxay, halkasoo laba askari oo kale ay ku dhinteen.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee K/Galbeed ayaa sheegay in dagaalka dhinaca Alshabaab looga dilay 9 Dagaalame.