Maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa goor dhoweyd weerar ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOm duleedka magaalada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe.
Wararka laga helayo degmada Balcad ayaa sheegaya in kolonyad ciidamo oo ahaa kuwa ka socda dalka Burundi , waxaana weerarka oo kedis ahaa waxyeelo lagu gaarsiiyay gaari ka mid ahaa kolonyada.
Ciidamada la weeraray ayaa la sheegay inay ku soo jeedeen magaalada Muqdisho, waxaana dagaal socday muddo daqiiqado ah uu dhex maray labada dhinac, waxaana gaari ay miino la qaraxay gaaray qasaaare, iyadoo ay jiraan qasaare kasoo gaaray ciidamada la weeraray.
Ciidamada ayaa muddo kadib safarkoodii sii watay oo Muqdisho u socdaalay, markii ay goobta ka baxsadeen maleeshiyadii Alshabaab ee weerarka ku qaaday.