Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay weerar madaafiic ah ku qaaday Saldhiga milateri ee Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho oo lagu mgacaabo SomTurk.
Shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegray inay 13 madfac ku rideen Saldhiga Turkiga oo ku yaalla degaanka Jazeera, ee degmada Wadajir ee magaalada Muqidsho, iyadoo qaraxyada madaafiicda laga maqlay degaankaasi kadib salaadii subax ee aroornimo.
Lama sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicdaan AlShabaab ay ku weerareen xerada ciidamada Turkiga ee Muqdisho oo lagu tababarro ciidamo Soomaali ah, waana markii ugu horeysay ee la wareero xeradaasi.
Saraakiisha ciidamada Xeradan iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin weerarka madaafiicda ee Alshabaab saaka ku qaadeen Saldhiga SomTurk ee Muqdisho.