Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Alshabaab weerar ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay askar la sheegay inay ka tirsanaayeen Dhar-cadka Hay’adda Nabadsugidda NISA.
Kooxda weerarka fulisay ayaa la sheegay inay ka koobnaayeen dabley ku hubeysan Bistoolado iyo Qoriga AK47, kuwaas oo adeegsaday Mooto Bajaaj, markii horena Bam ku tuuray goob ay u sugnaayeen ciidamadan, kadibna rasaas ooda uga qaaday intii aysan goob ka baxsan.
Hal askari ayaa ku dhintay weerarka, sida ay sheegeen dad goobjoogayal ah, waxaana ku dhawacmay laba kale, balse Alshabaab aya sheegatay inay weerarka ku dishay 2 askri oo Dharcad a, iyadoo soo bandhigtay laba ka mida Aqoonsiga askarta la dilay iyo magacydooda.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha Amniga, gaar ahaan Hay’adda NISA iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan weerarka saaka ka dhacay Suuqa bakaaraha.
