Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalyahanadda ururka Alshabaab ay weerar xoog leh ku qaadeen saldhig milateri oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso.
Weerarkan oo ahaa kii ugu weynaa ee degaanadaasi ka dhaca ayay Alshabaab la beegsadeen Saldhigga ciidamada Puntland ku leeyihgiin degaanka Af-urur oo 100KM u jida magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Alshabaab ayaa la wareegtay degaankaasi kadib dagaal qaraar oo halkaasi ka dhacay, waxaana ciidmada daraawiishta ee Puntland la sheegay inay ka baxeen saldhigga, markii looga awood badiyay.
Dagaalka oo saacado socday ayaa gurmad u yimid ciidamada Puntland ay dib u qabsadeen saldhigga, waxaana wararka laga helayo dagaalka ay sheegayaan in qasaare weyn uu halkaasi labada dhinac ee dagaalamay ka soo gaaray.
Taliyaha oo lagu magacaabo Korneel Cabdullaahi Cumar Canshuur ayaa sheegay inuu dagaal qaraar ka dhacay saldhigga Af-urur, dagaalkuna socday muddo 2 saacadood ka badan, iyadoo la jaray isgaarsiinta degaanka.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…