Maleeshyada Alshabaab oo sii kordhiyey weerarrada ay ka wadaan maamulka Hirshabelele ayaa xalay weerarro ku qaaday degmooyinka Jalalaqsi iyo Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.
Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Alshabaab weerar ku qaadeen degmada Buuloburte oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM, waxayna wararku sheegayaan in hub culus ay is-weydaarsadeen labada dhinac, ayna dhex martay is-rasaaseyn.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo hore u ahaa taliyaha Ciidamada Militerga ee Buuloburte Axmed Faarax Booniye iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Jalalaqsi oo saldhig ku leelyihiin ciidamada ka mida AMISOM, hubka culus ayaa laga maqlay xalay magaalada Jalalaqsi.
Alshabaab ayaa sidoo kale maleeshiyo badan geysay degaanada ku xeeran Raagge-Ceelle oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe, waxayna dib u baxeen xarunta Raagge Ceelle oo ay habeen hore gudaha u galeen, iyadoo ay cabsi ka jirto degaankaasi.
Dhaqdhaqaaqa cusub ee Alshabaab ka wado degaanada Hirshabelle ayaa sii kordhaya xilligan kala guurka ah, waxaana lagu arkay degaano aysan hore ugu sugneyn.
