Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar miino la beegsadeen kolonyo ka tirsan AMISOM xilli ay marayeen degaanka Cabdow Dibille ee duleedka degamada Afgooye Gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarka oo ku bilowday miino dhulka lagu aasay oo ku qaraxday Kolonyada AMISOM ayaa la sheegay in kadib dagaal xoog leh uu dhex maray ciidamadii AMISOM ee safarka ahaa iyo maleeshiyo jidka u gahshay oo Alshabaab ah.
Ma cadda qasaaraha weerarka bambaane iyo dagaalka ka danbeeyay, waxaana hadda soo dhacaya faahfaahinta wararka ku saabsan dagaalkan.
Wadani.com