Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyey inay xilkii ka qaadeen mid ka mida mas’uuliyiintii sare ee ururkaasi.
Sheekh Xasan Yacquub oo ku magacownaa Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Al Shabaab, islamarkaana xilkasi haayay muddo 5 sano ah ayaa xilkii laga xayuubiyey.
Munaasabad ka dhacday degmada Ceelbuur ayay ku sheegeen Al-Shabaab in Sheekh Xasan Yacquub uu waxbadan soo qabtay intii uu xilka hayay. Waxaana xilkiisii loo dhibay nin lagu magacaabo Sheekh C/laahi Abuu Khaalid oo ka tirsan masuuliyiinta Ururka Al Shabaab.
Al-Shabaab Ma shaacin xil kale oo loo magacaabay Sheekh Xasan Yacquub.