Maxkamadda Alshabaab ee Gobolka Sh/Hoose ayaa xukun Dil ah ku fulisay Nin oday ah oo lagu soo eedeeyay inuu Sixiroole ahaa.
Xukunka dilka ah ayaa lagu fuliyey Fagaare ku yaalla tuulo ka mida degmada Qoryooley ee Sh/hoose shalay Galabti, waxaana toogasho lagu fuliyey Abuukar Xaaji Cumar oo 50 sano jir ahaa, kaasoo la sheegay inuu dad badan ku dhibaateeyay Sixir uu adeegsaday.
Alshabaab ayaa sheegtay in Ninkan uu qirtay inuu muddo 5 sano ah oo ku shaqeysanayay sixirka, Dad badanna u adeegsaday.
