Alshabaab oo wajaheysa dagalaladii ugu cuslaa ee uga furan Gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa dib maamulkooda Gobolka Sh/Dhexe ee loo yaqaan Waalliga ugu magacaabay Sheekh Yuusuf Ciise Kaba-ku-tukade.
Go’aanka Alshabaab ayaa ka danbeeyay dib u dhac kasoo gaaray kasoo gaaray dagaallada uga furan degaanada Sh/Dhexe, waxaana mar kale xilka Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ay u magacwaday Yuusuf kana-ku-tukade oo ay isku heyb yihiin madaxweynaha Soomalaiya, xilkaasina hore looga qaaday.
Xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta degmada Aadan Yabaal oo weli ku harsan gacanta Alshabaab, waxaana laga qaaday Guddoomiyihii Sh/dhexe waxaana xilkaas laga wareejiyay Sheekh Abuu Cabaas.
Qorshaha cusub ee Alshabaab dib ugu soo magacawday 2 sano kadib Shekh Kaba-ku-tukada Gobolka Sh/Dhexe oo ah nin ka tirsan oo kasoo jeeda Gobolka Sh/Dhexe ayaa loo arkaa mid lagu dardar gelinayo dagaalka la filayo inuu ka dhacao degmada Aadan Yabaal.
Alshabaab ayaa laga soo xigtay inuu Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade uu isla maanta hoggaaminayey weerarkii ka dhacay degaanka Huurweyne ee duleedka Nuur Dugle.
