Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Alshabaab waxay ururisaa Canshuur ka badan tan Dowladda Somaliya (Sarkaal Lacag baad bixiyay -Warbixin)

    Alshabaab waxay ururisaa Canshuur ka badan tan Dowladda Somaliya (Sarkaal Lacag baad bixiyay -Warbixin)

    October 27, 2020Updated:October 28, 20203 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Machadka Hiraal ee Muqdisho ayaa faafiyey warbixin ku saabnsan sida Alshabaab ugu dhex milantay qeybaha bulshada iyo dowladda Soomaaliya, uguna suuragashay inay qaado canshuur ka badan tan ka hesho dowladda Soomaaliya, iyadoo adeegsaneysa cabsi gelin iyo hanjabaad.

    Warbixin ay qortay BBC World, kana soo xigatay Machadka Hiraal ayaa ayaa lagu sheegay in ururka Al-Shabab dhaqaale badan oo canshuur ah uu ka qaado gudaha dalka taasoo ka badan tan dawlada Soomaaliya ay qaado, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

    Machadka cilmi baarista Hiraal ee uu gudoomiyaha u yahay la-taliyihii hore ee Amniga Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Warbixinta ku sheegay in Al-Shabab ay ganacsatada ka qaadaan lacag dhan 15 million oo dollar bil walba taasoo ka badan lacagta dawlada kasoo gasha canshuurta ay ganacsatada ka qaado oo gaareysa 7 Milyan oo doolar.

    Al-Shabab waxay lacago badan oo baad ah la qaataan shaqaalaha rayidka ah ee dawlada iyo xataa saraakiisha ciidamada sida warbixintaan lagu xusay. Lacagta ay Al-Shabab ka qaadaan dadka Soomaaliyeed ee 15-ka million gaaraysa kala bar waxaa ay kasoo gashaa magaalada Muqdisho ee caasimada ah.

    “Ganacsatadu waxay lacagta u baxshaaan oo ay Al-Shaabab u siiyaan waa cabsi ay ka qabaan waxyeelo loo geysto ee ma aha rabitaankooda” ayaa lagu yiri warbixintaan laga soo xigtay machadka baarista sameeyay.

    Wareysiyo laga qaaday mas’uuliyiin dawlada ku jira, ganacsato iyo xataa hogaamiyaal ka tirsan ururka Al-Shabab oo magacyadooda la qariyay ayaa lagu ogaaday in Al-Shabab ay lacago bille iyo mid sanadle ah ka qaadaan dhammaan shirkadaha waaweyn ee dalka ka jira taasoo ay u kala qeybiyaan canshuur iyo sako iyo xataa mararka qaar shirkadaha laga qaado lacag dhan 2.5% oo ah Zeko.

    Magaalada Muqdisho ganacsatada ka shaqaysta meelaha u dhaw xarumaha dawlada sida agagaarka madaxtooyadda ayaa warbixintaan lagu sheegay in laga qaado lacago canshuur ah oo Al-Shabab qaataan.

    Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho oo ah isha dhaqaalaha ugu badan uu  kasoo galo dawlada ayay warbixintaan sheegaysaa in Al-Shababna ay il dhaqaale u tahay oo canshuuraan ganacsatada wax kala soo dega.

    Mas’uuliyiin magacyadooda la qariyay oo dekeda ka shaqeeya ayay warbixintu sheegaysaa inay Al-Shabab u gudbiyaan waraaqaha maafeestada loo yaqaan ee maraakiibtu wadato. Shaqaalaha dowlada qaarkood ayaaa laga soo xigtay inay Al-Shabab siiyaan qeyb ka mid ah mushaarkooda si ay uga nabad galaan.

    Warbixinta waxay soo xigatay sarkaal tirsan ciidamada Soomaaliya oo lacag badan laga qaaday si ay  u suurto gasho sii wadista dhismo guri uu dhisanayay. Sarkaalkan ayaa sheegay in markii uu diiday inuu bixiyo lacagtii Alshabaab ay shaqaalihii dhismaha ka waday gurigiisa loo hanjabay lana joojiyay gaadiidkii qalabka dhismaha geyn lahaa taasoo ugu dambeyn keentay inuu baxsho lacag gaaraysaa 3,600$.

    “Waan ku qasbanaa in lacagtaas baxsho anigoo dagaal kula jira maleeshiyadooda waayo wadada kale ee ii furan waxay aheyd inaan dhismaha joojiyo.. Anigoo ka xun ayaan baxshay lacagtaas” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan ciidamada dowlada magaciisa iyo darajiisaba la qariyay.

    Alshabaab Canshuur Canshuurta Alshabab Dekadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Gaari lagu Qarxiyey mas’uuliyiin u gurmaday guddoomiye Waaxeed la dilay iyo Qasaare ka dhashay..
    Next Article Beesha Caalamka oo 3 Qodob ku Cadaadineysa Madaxda Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo