Kooxda Al-shabaab ayaa baahisay magaca iyo beesha is-miidaamiyihii fuliyay weerarkii qaraxa ahaa ee Jimcihii k dhacay saldhi Ciidamada dowladda ee degaanka Bariirre, Gobolka Shabeellada Hoose.
Magaca ninkan qaraxa is miidaaminta ah ku daah furay weerarkii Barire ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdullahi Macallimow oo ka soo jeeda Beesha Gaaljecel, wuuxuna wareysi siiyay idaacadda Alshabaab ka hor intii aanu falkaas fulin.
Weerarkii Bariire ee kooxda Alshabaab Jimcihii ku qaadya degaanka Bariirre ayaa ahaa kii ugu weynaa ee muddooyinkan ka dhaca Shabeellada Hoose, waxaana lagu dilay in ka badan 30 qof oo labada dhinac ah.
Is-miidaamiyeyaasha Alshabaab ayaa waxaa caado noqotay in codad dardaaran ah laga duubo kadibna magacyadooda iyo beeshooda ay baahiso Alshabaab.