Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qasaaraha weerarkii ay shalay maqribnnimadii Alshabaab ku qaadeen degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Alshabaab ayaa sheegtay in Askar ku dhow 12, halka dadka degaanka sheegeen in 4 askari lagu dilay dagaalkaasi, Waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaasi ku dhintay Col. Aadan Maxamed Waceys (Aadan Koronto) oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo.
Korneyl Aadan Koronto ayaa ka mid ahaa ciidamada Barre Hiiraale ee dhowaan lagu daray ciidamada Gobolkaasi ku sugan ee dowlada.
Wararkii ugu danbeeyay ee saaka laga helay degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in Alshabaab ay isaga baxeen xalay waqti danbe, inkastoo aanay magaalada ka fogeyn oo dadku ka cabsi qabaan inay dib ugu soo laabtaan waqti kasta.
Weerarkii Alaahbaab ee Ceelwaaq ayaa lagu sheegay in kedis ah oo si la yaab leh u dhacay, kadib markii ay Alshabaab adeegsadeen gaadiid iyo dharkii ciidanka kooxda Kenya si aan looga shakin.
“Baabuurtii ay ku qoran tahay AMISOM Beebayaashi ay ka qabsadeen Ciidamada Kenya ayay xerada ku soo weerareen, mana aanan fileyn, waxay isu ekeysiiyeen AMISOM” sidaas waxaa yiri Col. Warfaa Sheekh Aadan oo VOA wareysi siiyay.
Wadani.com