Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo Is-miidaamiyihii fuliyey qaraxii weynaa ee lagu qaaday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho ee 23-kii Maarso.
Wareysi lala yeeshay ninkan ayuu ku faahfaahiyey sababta uu isu miidaaminayo iyo sida uu ku soo galay Alshabab, waxaana magaciisa lagu sheegay Jimcaale Yare Shalabow (Sufyaan) oo ahaa wiil da’ yar oo 17 sano jir ah, kuna dhashay degaanka Salagle; wuxuu kasoo jeeday Beesha Ogaadeen gaar ahaan Jufada reer Geeddi Cali.
Is-midiaamiye Jimcaale Yare Shalabow ayaa ka dagalaami jiray gobolka Sh/dhexe inta aan lagu biirin liiska kooxda loo diyaariyo is-miidaaminta, waxayna tani caddeyn u tahay in Alshabaab ay dhalinyarradii Soomaalida u bedeshay is-miidamiyeyaal naftooda ku galaafanaya dad kale oo Soomaaliyeed.
Is-miidaamiyaha ayaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ku dhuftay afaafka hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya, kasoo keenay inay gudaha u galaan ilaa 4 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab oo muddo saacado ah ka dhex dagaalamayey xarunta, halkasoo lagu dilay 14 qof oo uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada.