Xarakada Alshabaab ayaa shaaciyey magacyada saraakiil ay sheegtay inay maanta ku dhinteen Qarixii ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegay in saraakiil fara badan ay isugu imaan jireen Baarka ay beegsadeen, waxayna intaas ku dartay inay qaraxa ku dhinteen xubno ay ka mid yihiin: Gaashaanle Sare Cabdi Nuur Axmad Kadiye oo ka tirsanaa saraakiisha Militariga, Muxiyidiin Macoow iyo Cabdullaahi Yare oo ahaa saraakiil iyo Cabdi Aadan Deeq (Cabdi Cagweyn) oo ka mid ahaa saraakiisha lagu dhaawacay qaraxa.
Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab marka laga reebo Cabdi Nuur Axmad Kadiye oo eheladiisa ay xaqiijiyeen inuu ku dhintay Qarax, waxaana la xaqiijiyey in dad ka badan 20 qof oo shacab ah ay qaraxa ku dhinteen, waxaana ka mida ahaa hooyo iyo wiil ay dhashay oo 17 sano jir ahaa.
Hooyo Soomaaliyeed & Wiil ay dhashay oo ka mid noqday Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho