Alshabaab ayaa sheegatay inay dib ula wareegeen degaan ka tirsan Gobolka Sh/Hoose oo ay saldhig ku lahaayeen ciidamada AMISOM.
Ciidamada AMISOM ee dalka Uganda ayaa la sheegay inay aroornimadii saaka ka baxeen degaanka Mashallaaye ee u dhaxeeya Qoryooleey iyo Buula Mareer, iyadoo daqiiqado kadib ay halkaasi la wareegeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.
Dadka degaanka ayaa sheegay inta aysan Alshabaab halkaasi gaarin inay isugu soo baxeen dadka degaankaasi oo ku qamaamay xaruntii ay ka baxeen ciidamada AMISOM, waxaana markaas kadib halkaasi gaaray maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.
Ciidamada AMISOM ayaa muddo 6 sano deganaa saldhigga degaaka Mashaallay, iyadoo aan la ogeyn sababta ay xilligan uga baxeen.
