AlShAbaab ayaa soo bandhigay qeybtii labaad Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo iska diiwaan geliyay maamullada K/Galbeed iyo Jubbaland, kadib amar kasoo baxay hoggaanka Xarakada oo loogu qabtay inay muddo 45 maalmood ah ku towbad keenaan.
Odayaasha qeybta labaad ayaa lagu soo bandhigay munaasabad ka dhacday deganka Buula-Fulaay ee gobolka Baay, waxaana kasoo muuqday tobanaan odayaal ah iyo xubno k socday Alshabaab, iyadoo odayaasha loo xiray koofiyado iyo cimaamado in muddo ahna ay u socotay wacyigelin.
Tirada odayaashan ka yimid degaanada K/Galbeed iyo Jubbaland ee iska diiwaan geliyay Alshabaab oo cafis uy doontay ayey Alshabaab inay gaarayaan ku dhowaad 100 Oday. Alshabaab ayaa dhowaan degaanka Duq Aqable ku soo badnhigtay 86 oday oo ay sheegteen inay towbad keeneen, kana socdeen Hirshabelle iyo Galmudug.





