Alshabaab ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay afar qof oo ka tirsan maamulka K/Galbeed iyo Askarta dowladda Soomaalia, kaasoo ka dhacay fagaare ku yaalla degmada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Maxkamad ay leedahay Alshabaab ayaa xukunkan ku riday afarta qof iyadoo la sheegay inay qirteen dembiyadii loo heystay, waxaana lagu toogtay meel fagaare oo dadweyne ay isugu soo bixiyeen Alshabaab si ay u daawadaan toogashada lagu fuliyey. Xubnahan la toogtay ayaa kala ah:
1- Ayuub Xassan Buraale oo ahaa 23 sano jir oo ka tirsanaa maamulka Koofur Galbeed ee Kurtunwaarreey.
2- Xasan Cusmaan Cali (Abayle) oo 40 sano jir ahaa, laguna eedeeyay in uu ka tirsanaa ciidanka maamulka Baraawe.
3- Xasan Faarax Maxamad (Gambiye) da’diisuna 40 ahayd, kaasoo lagu eedeeyay inuu kamid yahay ciidamada Dowladda Federaalka.
4- Iyo Xuseyn Xassan Geelle oo 30 sano jir ahaa, kaasoo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahahy ciidanka Dowladda Somalia.