Amar kasoo baxay Alshabaab ayaa keenay in la xiro Garoon lagu ciyaaro kubadda Cagta, nooca loo yaqaan SALLAXA oo ay ka socdeen tartamo ciyaareed oo dhowr ah.
Garoonkan oo ku yaalla Xaafadda Shiirkoole ee Degmada Hodan, magaalada Muqdisho ayaa dhalinyaro ku xirneyd waxay sheegeen inuu amarka uga yimid Alshabaab, taasoo keentay inay xiraan garoonka ayna joojiyaan dhowr tartanka oo bishan Ramadaan ay bilaabeen garoonkaasi.
Amarkan oo aan ahayn kii ugu horeeyay ayaa ku soo beegmay iyadoo magaalada Muqdisho ay ka howlgalayaan ciidamo tiro badan oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay xaqiijinayaan amniga caasimadda.
Qaar ka mida dhalinyarrada hormuudka ka ah Garoonka Sallaxa ee Shiirkole ayaa sheegay inay farriin telefoon ah soo gaarsiiyeen Alshabaab, isla markaana lagu amray inay xiran garoonka iyadoo aan wax faahfaahin ah la siinin, sidaasoo ay yeeleen.
Alshabaab ayaa dhowaan amar ka soo baxay lagu xiray garoomo dhowr ah oo kubadda cagta ah, iyadoo jawaabtii dowladda Soomaaliya ay noqotay inaan la xiri karin garoomadaasi.