Maamulka Gobolka Hiiraan iyo ciidamada AMISOM ee ka howgala magaalada Beledweyne ayaa amray in magaaladaasi laga saaro dhammaan maleeshiyooyinka hubeysan ee ku soo batay gudaha magaalada Beledweyne.
Shir ka dhacay shalay magaalada Beledweyne oo ay isugu yeertay AMISOM ayaa looga hadlayay ammaanka gobolka Hiiraan. Waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha ciidamada AMISOM iyo maamulka Gobolka Hiiraan iyadoo looga dooday xaaladda ammaanka Magaalada Baladweyne oo ay ku soo bateen ciidamo beeleed xiran dharka milateriga dowladd.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in ciidamada aan ka tirsaneyn Dowladda ee hubeysan amar lagu siiyay in laga saaro magaalada Beledweyne. Taliyaha Ciidanka AMISOM ee qeybta 4-aad ee ka howlgala Gobolka Hiiraan Col. C/raxmaan Cabdow Cabdi iyo Taliyaha ciidamada AMISOM ee Jabuuti Col. Xasan Jaamac ayaa sheegay inay qaateen maamulka Hiiraan, waxayna caddeyeen inay fulinayaan go’aanka maamulka gobolka.
Magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in la kala garan waayay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka beelaha, lagana cabsi qabo in ciidamadaasi isku dhacaan.
Wadani.com