Qaramada Midoobay ayaa amar ku soo rogtay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Xafiiska UNSOM ee magaalada Muqdisho, iyadoo farriimo loo diray lagu sheegay inaysan tegin magaalada Muqdisho ama ay yareeyaan socdalkooda.
Go’aanka UN-ka ayaa sabab looga dhigay xaaladda amniga magaalada Muqdisho iyo in digtooni lagu yareynayo xubnaha ka jooga Muqdisho, kadib markii weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday xafiisyada UN-ka ee magaalada Muqdisho 1-dii Janaayo 2019, tasoo keentay in saddex ka mida shaqaalaha UN-ka ay ku dhaawacmaan; waxaana la sheegay in xubno ka tirsan xafiiska UNSOM oo Muqdisho imaan lahaa maanta oo Axad ah laga joojiyey.
Shaqaalaha iyo Mas’uuliyiinta UNSOM ayaa ku sii shaqeyn doona magaalada Nairobi, iyadoo tegistooda Muqdisho la yareeyay sida ay sheegeyso wargelin ka timid madaxda fadhida New York oo l a siiyey shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta xafiiska UNSOM ee Muqdisho.
Arrintan ayaa imaaneysa weerarkii madaafiicda ee xarunta UN-ka Muqdisho iyo go’aankii ay dowladda Federaalka ku eriday wakiilkii Q/Midoobay Nicholas Haysom.