Iyadoo Xarakada Al-shabaab ay dhowaan amar ku soo rogtay in la xiro Garoomada lagy ciyaaro kubadda Cagta ah ee loo yaqaan Sallaxa kuna qaar ka mida degmooyinka G/Banaadir ayaa la sheegay inuu amarkaasi ku fidayo magaalada.
Sida laga soo xigtay milkiilayasha Garoomada ee degmooyinka Wardhiigley iyo Hodon waxaa soo gaaray amarkii Alshabaab oo ay ku qasbanaadeen inay fuliyaan, waxayna wararku sheegayaan in arrintan ay saameyn ku yeelatay garoomo ku dhow xarunta Madaxtooyad ee Villa Somalia.
Garoomada loo xiray amarka Alshabaab waxaa kuwii ugu danbeeyay ay noqdeen qaar ku yaalla Waddada Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho, waxaana Milkiilayaasha Garoomadaasi ay sheegeen in amarka Alshabaab uu xalay soo gaaray ayna qorsheynayaan inay xiraan Garoomadooda.
Amarkan ayaa markii hore ka dhaqan galay degmooyinka Heliwaa, Yaaqshiid, Deyniile iyo Kaaraan, waxaana muuqata in Al-shabaab ay sii kordhiyeen degaanada ay ka joojiyeen ciyaaraha lagu qabto garoomada xaafadaha oo muddooyinkii danbe ku soo kordhay caasimadda.