Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Amarro culus oo lagu soo rogay shirkadaha Isgaarsiinta iyo dhammaan Ganacsatada (Akhriso)

    Amarro culus oo lagu soo rogay shirkadaha Isgaarsiinta iyo dhammaan Ganacsatada (Akhriso)

    February 14, 2023Updated:February 15, 20234 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay soo saaray amarro culus oo taabanaya ganacsiga iyo dhammaan shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryar, kaasoo saameynaya ddka heysta telefoonada iyo adeegyada lacag bixinta.

    Guddiga La-dagaallanka Lacag dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada oo aanay dadku hore u maqlin ayaa lagu dhisay sharciga ‘SHARCIGA KA HORTAGGA LACAG DHAQIDDA IYO MAALGELINTA RGAGIXISADA’, kaasoo dhaqan galay Febraayo 2016.

    Guddigan ayaa ka kooban: Wasiirka Maaliyadda oo ah Gudoomiyaha Guddiga; Wasiirka Cadaaladda; Xeer-ilaaliyaha Guud; Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Amniga Qaranka; Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya; Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka; Agaasimaha Xarunta Warbixinada Maaliyadda oo ah Xoghayaha Guddiga, ayaa soo saaray Go’aanada soo socda oo quseeya Xawaaladaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dhulka iyo kuwa isgaarsiinta.

    HOOS KA AKHRISO GO’AANADDA

    Tr. 11 Febraayo, 2023

    Go’aanno Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Lacag Dhaqidda & Ka- hortagga Maalgelinta Argagixisada (National Anti-money laundering and Combating terrorist Financing Committee- NAMLC).

    – Markii uu arkay: Xeerka Ka-hortaga Lacag dhaqidda & Maalgelinta Argagixisada.
    – Markii uu arkay: Waajibaadka shaqo ee guddiga.
    – Markii uu yaqiinsaday: inay waajib tahay in ilaha dhaqaale ee ay ka faa’iidaysan karaan khawaarijta laga hortago, lana adkeeyo dadaalada Dowladda ay ku xannibayso tubooyinka & marinada dhaqaale ee khawaarijta.
    – Markii uu garwaaqsaday: Dagaalka khawaarijta Al-shabaab iyo dhamaan argagixisada dalka ka jira ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.
    – Markii uu dhagaystay: Jihaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

    Guddigu wuxuu soo saaray go’aannada soo socda:-

    1. Guddigu waxa uu muwaadiniinta Soomaliyeed ku wargalinayaa in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada. Lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada waa dambiyo waawayn si waafaqsan qodobada 2aad & 3aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada.

    2. Dhammaan shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha waa inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh, iskuna diiwaangeliyaan muddo sadex (3) usbuuc gudahooda oo ka bilaabanta maanta oo taariikhda tahay 11/02/2023.

    Ciddii aan isku diwaangelin muddadaas, waxaa lagu qaadayaa ciqaabaha ku xusan qodobada 28aad & 29aad ee sharciga ka hortagidda lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada iyo qodobka 332aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah:
    A. Xabsi ciqaabeed
    B. Ganaax lacageed
    C. Xayiraad safar
    D. Kala noqosho Shati Ganacsi &
    E. In la isugu daro dhammaan ciqaabaha kor ku xusan.

    3. Dhammaan shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada lacagaha, caymiska & sariflayaasha lacagaha qalaad, waxa la farayaa in ay isku diiwaaangeliyaan muddo 30 cisho gudahood, iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo aan diiwaan gashanayn.

    4. Guddigu waxa uu farayaa hay’adaha maaliyadeed, (Bankiyada, Xawaaladaha & Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada) in ay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida FRC & Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood. Ciddii kusoo gudbin weysa warbixinnada muddadaas waxaa laga qaadayaa talaabooyinka ku cad sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada.

    5. Dhammaan qareenada iyo nootaayooyinka, shirkadaha & dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha (real estate companies, real estate agents), macadanta & dhagaxyada qaaliga waa in ay FRC uga warbixiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada looga shakiyay inay xiriir la leevihin khawaariita si deodeo ah si waafaqsan

    6. Bangiyada, Xawaaladaha & Shirkadaha adeegyada lacagaha mobile-da aan shati ka haysan Bangiga Dhexe, waxa lala tiigsan doona sharciga hay’adaha maaliyadda 2012, ayadoo dabagal iyo baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo dhamaan hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.

    7. Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta & adeegyada lacagaha mobile-lada (mobile money service providers) waxa la farayaa in ay diiwaangeliyaan macaamiishooda cusub, ugu yaraanna waa in sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta loo furayo Sim-kaar cusub. Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn mudo 90 cisho gudahood ah si waafaqsan qodobka 5-aad sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada.

    8. Dhammaan Shirkadaha Adeegyada lacagaha mobile-lada (Mobile Money Providers) waa in ay dhaqdhaqaaqyada maalinlaha ah ee macaamiisha uusan ka badnaan karin USD $300 (Sedex boqol oo doolar) cidii fulin waysana lala tiigsan doono sharciga. adeegyada

    9. Dhammaan shirkadaha ganacsiga & ganacsiyadda yar yar ee dalka, waa inay iska diiwaangaliyaan Wasaaradaha Ganacsiga & Warshadaha iyo wasaaradaha & hay’adaha kale ay shaqadooda khusayso muddo 60 cisho guddahood. Ciddii isdiiwaagalin wayda ama la arko iyadooo ganacsi aan diiwaangashanayn ku jirta, waxaa la horgaynayaa maxkamada awoodda u leh.

    10. Dowladdu waxaa ay la wareegeysaa si waafaqsan Sharciga Ka hortaga Lacag dhaqida & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, hanti kasta oo lala xiririyo khawaarijta, isla markaana xayiraad safar ayay kusoo rogeysa cid kasta oo xiriir la leh lacag dhaqista ama maalgelinta khawaarijta.

    Alshabab Amar Lacag dhaqidda Muqdisho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleYuusuf Jimcale oo khilaaf ka dhex abuuray ku-xigeenadisa iyo xilkii Ku-simaha oo la isku heysto
    Next Article Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Beeraha oo Deyntii ka cafiyey Somaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo