Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geedi ayaa amar cusub kasoo saaray xaaladda ammaanka Muqdisho.
Isagoo saxafiyiinta kula hadlayay xafiiskiisa ayuu sheegay inuusan Baabuur aan wadan taargo aanu ku socon karin magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa sheegay in ciddii u hogaamsami weyda amarkaasina ay horgeyn doonaan Shacriga. Wuxuu ku eedeeyay dadka qaarkood inay iskala weyn yihiin sharciga oo haddii aan loo wada hogaansamin caddowgu ku dhex noolaan karo.
Arrintan ayaa ka dambeysay cabasho kasoo yeertay ciidamada Traaafikada magaalada Muqdisho oo sheegay inay qaati ka taagan yihiin gawaarida ay wataan ciidamada iyo saraakiisha dowladda.
DHAGEYSO